Sargaal katirsan Daacish oo loo qabtay Qarax uu ka badbaaday Madaxweyne Buhari

Waaxda adeegga dowladda Nigeria (DSS) ayaa sheegtay inay gacanta ku soo dhigeen Xubin ka tirsan kooxda Daacish-ta Waqooyiga Afrika (The Islamic State West Africa Province “SWAP”) oo ka dambeeyey Qarixii isbuucii hore (December 29) ee lala maganaa in lagu khaarijiyo Madaxweynaha dalkaasi, Muhammadu Buhari.

Qaraxaasi ayaa waxa uu ka dhacay meel ku dhow qasriga Ohinoyi ee degmadda Okene ee Gobalka Kogi ee dalkaasi, xilli uu Madaxweyne Buhari doonayey inuu xariga ka karo mashaariic.

Xubinta kooxda Daacish-ta Waqooyiga Afrika ee loo qabtay kiiskaasi waxaa magaciisa lagu sheegay C/muncim Ibrahim Otaru oo lagu naanayso Abu Mikhdadad, sida lagu sheegay Qoraal ka soo baxay sarkaalka Xiriirka dadweynaha ee waaxda Amadeegga dowladda Nigeria (DCC), Peter Afunanya.

Xubinta Daacish-ta waqooyiga Afrika ayaa la qabtay xilli uu isku dayayay in uu baxsado, markii ay ciiddanka ammaanka ka toogtaan Ciribta lugta bidix, iyadoo haatan lagu daaweynayo Isbitaal ilaalo laga hayo.

Sidoo kale, hay’adaha ammaanka ee Nigeria waxay sheegeen inay bishan January 3-dii qabteen xubin kale oo ka tirsan kooxda Daacish-ta Waqooyiga Afrika, kaasi oo ay magaciisa ku sheegeen Saidu Suleyman.

W/T Ustaad Nuradin Page

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -