Axmed Daaci oo ka hadlay weerarkii dhiiga badan ku daatay ee ka dhacay deegaanka Hilowla Gaab

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa saakay weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday deegaanka Hilowla Gaab oo hoostaga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus.

Sida aan wararka ku helnay weerarka ka dhacay deegaanka Hilowga Gaab waxaa khasaaro kala duwan uu kasoo gaaray dhinacyadii dagaalamay, waxaana weerarkaasi ku dhintay saraakiil dhallinyaro ah oo hoggaaminayay howlgalada socda.

Gudoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Daaci oo hoggaaminayay ciidanka la weeraray ayaa sheegay in uu jiro khasaaro badan oo kala gaaray ciidanka huwanta ah ee la weeraray iyo kooxda Al Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Waxa uu sheegay Axmed Daaci raga weerarka kusoo qaaday in ay ka yimaadeen deegaan fog, waxa uuna xusay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka markii weerarku dhacayay ay kala fogaayeen hal goobna aysan joogin ayna iska difaaceen weerarka.

“Ciidamu way kala fogaayeen oo magaaladu maba lahan meel bartilmaameed ah oo lagu dhufto, xaaladdu way degen tahay, meel fog ayay ka yimaadeen nimankaan weerarka soo qaaday, dagaal badan baa dhacay, Shabaabku way soo weerareen, ciidamaduna way iska caabiyeen laakiin labada dhinac dhibaatooyin baa jira waanu jebinay markii dambe” ayuu yiri Axmed Daaci.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa isbuucyo kahor Al Shabaab kala wareegay deegaanka Hilowlo Gaab oo kuyaalla xadka kala qeybiya gobolada Shabeelaha Dhaxe iyo Galgaduud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -