Xafiiska Raisul Wasaare Khayre oo bilaabay olole lagu difaacayo Madaxaweyne Farmaajo

Iyadoo mooshinka laga keenay Madaxweynaha Somalia uu kala qeybsanaan dhex dhigay gudoonka iyo xildhibaanada baarlamanka ayaa xafiiska raisul wasaare Khayre waxaa uu bilaabay maanta olole lagu difaacayo Madaxweynaha.

Kulan uu soo qaban-qaabiyey xafiiska raisul Wasaaraha ayaa maanta lagu qabtay hotelka SYL ee magaalada Muqdisho kaasoo lagu taageerayey madaxweynaha, waxaana kulankaas la isugu yeeray odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye.

Weriyeyaal goobta uu shirku ka dhacayey tegay ayaa sheegay in nin ka socday xafiiska Raisul wasaaraha oo lagu magacaabo Bile uu warbaahinta u tilmaamayey codadka iyo muuqalada ay qaadanayaan.

Kulankan ayey ilo wareedyo ku dhow xafiiska Raisul wasaaruhu sheegeen inuu hordhac u yahay kulamo kala duwan oo maalmaha soo socda uu qabanayo xafiiska Raisul wasaaraha kuwaasoo taageero loogu muujinayo Madaxweyne Farmaajo, waxaana la sheegay in kulamadan loo qabanayo qeybaha bulshada loo qoondeeyey dhaqaale gaar ah.

Dadka siyaasada indha-dheeya ayaa sheegaya in Raisul wasaaruhu ku qasban yahay inuu difaaco Madaxweynaha, maadaama haddii madaxweynaha la rido ay xukuumaduna dhaceyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -