Allbanaadir.com
NEWS

Xubnaha Aqalka sare oo iskugu yimid kulan looga hadlay qodobo kala duwan (Sawirro)

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Senator Abdi Hashi Abdullahi ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa afaraad oo ajandihisu ahaa ansixinta Xubin ka mid ah Guddiga wadajirka ah ee La socodka, Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (OC) iyo akhrinta 2aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Aqalka Sare.

Kulanka maanta oo ay soo xaadireen soddon Sanatar ayaa ugu horrayn loogu codeeyay Senator Samsam Daahir Maxamuud in ay ka mid noqoto Guddiga wadajirka ah ee La socodka, Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (OC) iyadoo intaas kadib Sanatarradu ay guda galeen dooda Xeer hoosaadka Golaha Aqalka Sare oo ay toosin iyo sixitaan ku sameeyeen qodobadii maanta loo soo bandhigay.

Kulanka Maanta ayaa sidoo kale warbixin looga dhagaystay Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo howlo shaqo ku tegay Gobolka Gedo.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo kulanka soo xiray ayaa Sanatarrada faray in ay isbarbardhig ku soo sameeyaan qodobada Xeer hoosaadkii hore iyo is bedelka soo kordhay, maalinta Sabtida ahna la sii wado dooda Xeer hoosaadka Aqalka Sare.

Xafiisaka Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faysal Bin Farxaan Al Sacuud oo Booqasho ku tagay dalka Kenya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Waqtiga rasmiga ah ee Soomaaliya lagu soo wareejinayo maamulka hawada oo la shaaciyay

admin

Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---