Khasaaraha ka dhashay Duqeyntii Makeyevka oo korortay iyo Sababta sahashay oo la ogaaday

Ku-xigeenka Koowaad ee Madaxa Waaxda weyn ee Milliteriga-Diyaasada ee Milliteriga dalka Raashiya, Sareeye Guuto Sergey Sevryukov ayaa sheegay in Tirada dhimashada ee Askartii lagu dilay magaalladda Makeyevka ee Gobalka Donetsk ay gaartay ilaa 89 Askari.

Sarkaalkaasi oo la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay in la qaaday dhamaan dadaalkii lagu soo badbaadin lahaa Askarta ku dhaawacmay Duqeymihii Ukraine.

Dhinaca kale, Sareeye Guuto Sergey Sevryukov ayaa sheegay in Isticmaalka Telefoonada Khaaska ee Ciiddankaasi sahashay in la ogaado goobta ay Ciiddankaasi joogeen, iyo in lagu soo hago beegsiga Duqeymaha Ukraine.

Waxa uu xusay in Milliteriga Raashiya horey loogu mamnuucay Telefoonada Gacanta, isla markaana haatan la magacaabay Guddi Baaritaan oo soo xaqiijiya waxa sababay in tiro badan oo Ciiddankooda ah lagu dilo hal goob.

Ciiddanka Ukraine ayaa la sheegay inay 6 Gantaal oo nooca Maraykanka ee HIMARS u adeegsadeen Duqeymahaasi oo dhacay bishan January Kowdeedii.

Wasaaradda Difaaca ee Raashiya waxay sheegtay inay Duqeyn rogaal-celis ah ku burburiyeen Madfac-tuuraha Madaafiicda goobta ee HIMARS.

Si kastaba ha ahaatee, Baraha Bulshada ee ay dadka Reer Ukraine adeegsadaan waxaa laga soo xigtay in Tirada Askarta Raashiya ee lagu dilay Duqeymahaasi ay baarayaan in ka badan 600 Askari, balse ma jiraan ilo ka Madax banaan oo si dhab-ka-hadal u xaqiijin kara Tirada Rasmiga ee Askarta Raashiya ee lagu dilay Duqeymahaasi.

W/Q Ustada Nuuradiin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -