Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo dalka ka dhoofay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Burundi, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha dalka Burundi Mudane Pierre Nkurunziza ayaa ka wada hadli doona xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dowladood iyo sare u qaadidda iskaashiga dhinaca nabadgelyada.

Burundi waxay ka mid tahay waddamada dadaalka ku bixiya nabadaynta iyo xasilinta Soomaaliya, waxaana ciidankoodu qayb ka yahay Ciidamada Nabad Ilaalinta ee AMISOM.

Wafdiga qaybta ka ah booqashada Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ayaa kulamo lagu lafo-gurayo adkaynta wada shaqaynta ka dhexaysa labada dal iyo danaha ay wadaagaan waxa ay la yeelan doonaan dhiggooda dalka Burundi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dib u xoojinta xiriirka ay la leedahay dalalka Afrika, si ay isaga kaashadaan dhibaatooyinka iyo caqabadaha ay wadaagaan, isuna weydaarsadaan khibradda muhiimka u ah horumarka iyo dowlad-dhiska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Wasiir Ahmed Isse Awad oo xilkiisa si rasmi ah ula Wareegay 

admin

Wariye Cabdicasiis Afrika oo la aasay iyo Masuuliyiin ka qeyb gashay aaskiisa (Sawirro)

Cabdi Cade

Ardayad aflagaadeysay Nebi Muxamed NNKH oo lagu baaqay in xukun dil ah lagu fuliyo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---