Maamulka Somaliland oo war cusub ka soo saaray qalalaasaha ka taagan Laascaano

Wasaaradda arrimaha dibada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa beyaan ka soo saartay xaalada Dalka, gaar ahaan gobolka Sool, degmada Laascaanood.

Wasaaraddu waxay ka digtay duulaan iyo farogelinta dibaddeed ee Somaliland lagu soo qaaday, waxayna xustay in dilalka ku soo noqnoqday Magaalada Laascaanood ay soo maleegeen kooxo Argagixiso ah oo xiriir la leh shabakadaha caalamiga ah ee Argagixisada.

Xarunta xuquuqda aadanaha ee Somaliland ayaa xaqiijisey in 7 qof ay ku dhinteen 21 kalena ay ku dhaawacmeen israasaaseyn ka dhacday magaalada Laascaanood. Xarunta ayaa cambaareysay hubka loo adeegsanaya dadka dibadbaxyada ka dhigaya magaalada Laascaanood.

Maalintii afraad, ayaa waxay mudaaharaado ka socdaan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Shacabka, ayaa ka cabanaya dilalka qosheysan ee ka dhaca magaaladaas.

Sidoo kale, wararka waxay sheegayaan in ay weli socdaan mudaaharaadyo ay dadka wadaan iyadoo maanta xaaladdu ay yara dhaanto sidii maalmihii hore .

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa shacabka Laascaanood ka codsaday inay is dajiyaan, isla markaana wakhti la siiyo wada-hadalka.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEED.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -