Gaadiid Dagaal iyo ciidamo badan oo ka baxay Garawe oo u dhaqaaqay Laascaanood

Wararka ka imaanaya magaalada Garawe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegaya in caawa magaaladaasi laga diray ciidamo badan oo katirsan PSF-ta Puntland iyo gaadiid dagaal oo ay wataan.

Ciidamadan ayaa wararku sheegayaan in loo diray magaalada Laascaanood ee gobolka Sool halkaas ay ka socdaan rabshado u dhaxeeya dadka shacabka ee ku dhaqan magaaladaasi iyo ciidamada ka ammar qaata madaxweyne Muuse Biixi.

Madax katirsan maamulka Puntland iyo saraakiil kasoo jeeda gobolka Sool ayaa ciidamada caawa ka baxay magaalada Garawe horey usii sagootiyay, waxaana ciidamada oo watay hub kala duwan la sheegay in ay u dhaqaaqeen dhinaca Laascaanood.

Dhinaca kale waxaa maanta magaalada Buuhoodle ee gobolka Sool iyana ka baxay ciidamo badan iyo gaadiid dagaal, kuwaa oo iyana sheegay in ay u gurmanayaan shacabka Laascaanood oo ay leenayaan ciidamada Somaliland.

Rabshadaha ka socda magaalada Laascaanood ayaa laga cabsi qabaa in isku bedelo dagaal dhiig badan ku daato oo ka dhaca magaaladaasi, waxaana magaalada horey u gaaray ciidamo badan oo katirsan milatariga Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -