Qarax dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo Turkiga ka dhacay

Dad ku geeriyooday Qarax ka dhacay Turkiye

Ugu yaraan 7 qof ayaa ku geeriyootay, 5 kalena ku dhaawacmeen Qarax galabta oo Jimco ah ka dhacay Maqaayad ku taalla magaalladda Nazilli ee Gobalka Aydin ee Galbeedka dalkaasi.

Guddoomiyaha Gobalka Aydin, Huseyin Aksoy oo la hadlay Wakaallada Wararka Anadolu News Agency (AA) ayaa sheegay in baaritaanka hordhaca uu muujinayo inuu Qaraxu ka dhashay Haanta Gaaska Cuntada lagu karsado (Gas Clinder) oo faaruq ahayd oo taallay gudaha Kushiinka.

Abaarihii 3-dii galabnimo iyo barkii ee maanta ayuu Qaraxu dhacay, xilli uu mid ka mid ah Shaqaalaha Kushiinka doonayey inuu bedelo Haanta Gaaska ee faaruqa ahayd.

Wakaallada Wararka Turkiye ee Demiroren News Agency waxay baahisay inay Qaraxaasi ku geeriyoodeen Afar Haween iyo saddex carruur.

Dhanka kale, Qoraal uu Wasiirka Caddaalada ee dalkaasi, Bekir Bozdag soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay inay socdaan baaritaanka Qaraxaasi, iyadoo hal qof oo lagu eedeynayo inuu u sabab ahaa Qaraxaasi.

Wasiirka waxa uu tilmaamay in Saddex Dacwad-oogayaal loo xil saaray baaritaanka kiiskaasi.

W/Q Ustaad Nuradin Abuukar

- Advertisement -