Taliye Zakiya oo cudurdaar ka bixisey qoraalkii ay ka faafisay Macalin Shuceyb Cabdi

Taliye ku-xigeenka Booliska Soomaaliya S/Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa ka cudur-daaratay sida ay uga hadashay kiiska Macalin dugsi lagu eedeeyey inuu fara xumeeyey gabdho wax ka baranayey diugsigiisa oo ku yaalla magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud

S/Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa baahisay dhowaan in Shuceyb Cabdi Maxamuud oo ah Macallin Dugsi Qurā€™aan, uu magaalada Dhuusamarreeb ku kufsaday seddax gabdhood oo 7 jir, 9 jir iyo 11 jir kala ah. Booliska Dhuusamarreeb ayaa soo xiray Macallin Shuceyb, ka dib ay dacwad ku soo oogeen waxaana la dhigay xabsi uu ku xirnaa 2 maalmood.

Gabdhihii ayaa waxaa loo diray baaris caafimaad, waxayna dhakhaatiirtu soo caddeeyeen inaan kufsi lagula kicin. Baaritaan ka dib, Maxkamadda Gobolka Galgaduud ee magaalada Dhuusamarreeb waxay xukuntay in dacwadda loo haysto Macallin Shuceyb ay tahay been-abuur aan sal iyo raad lahayn. Waxaana markii dambe warbaahinta la hadlay hooyooyinkii soo dacweeyay Macallinka oo qirtay inay ku been-abuurrteen macallinka.

Mid ka mid ah baarayaasha kiiskan ayaa sheegay in labada hooyo ee kala dhalay seddaxda gabdhood ay sheegeen in been-abuurkan ay baahi ku qasabtay, oo hay’ad ay lacag ku soo siisay inay Macallinka dacwaddaas ku soo oogaan.

“Qodobka 35aad ee Dastuurka Soomaaliya wuxuu dhigayaa in eedeysanuhu uu dambi la’aan yahay ilaa ay maxkamad ka xukunto, waxaana gef ah in la warbaahinta lagu baahiyo in uu dambigaas gaystay ilaa lagu caddeeyo oo maxkamad xukunto. Qodobbada 451aad iyo 452aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed waxay dhigayaan in qofkii ku been-abuurta oo dhaawaca sumcadda ruux kale lagu ciqaabayo xarig 6 bil ilaa 3 sano ah iyo in uu bixiyo magdhawga qofkii sharaftiisa dhaawacay” ayuu yiri mid ka mid ah sharciyaqaanada Soomaaliyeed oo arrintan ka hadlay.

Macallin Shuceyb ayaa markii la soo daayey sheegay inuu dhibbane u yahay oo booliskii ay ahayd inuu xuquuqdiisa iyo sharciga ilaaliyo. Wareysi uu Macallinku bixiyey ayuu ku sheegay inuu dhibbane u yahay warkii ay Zakya ka faafisay, ee warbaahintuna ka sii xigatay. Wuxuuna ka dalbaday inay raalligelin ka bixiso gefkii ay kula kacday.

“Janaraal Zakiya kaliya kuma xadgudbin oo kaliya Macallin Shuceyb ee waxay sidoo kale suurad-xumeysay Macallimiinta Dugsiyada Qurā€™aanka. Waxaa muuqata inuu yahay sumcad-dil iyo suurad-xumeyn ku-talagal ah, oo Soomaalida shaki looga abuurayo dugsiyada Qurā€™aanka” ayuu yiri Shiikh ka tirsan Culimada Soomaaliyeed

Hase ahaatee Taliye ku-xigeenka Booliska Soomaaliya S/Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay ineysan wax qalad ah sameynin balse balse ay gudatay waajibkii ka saarnaa shaqadeeda boolisnimo.

QoraalĀ  ay soo dhigtay barteeda facebook ayey ku bilowday sidatan:-

Bismillah

Marka hore shacabka Soomaaliyeed waxaan kaga cudardaranayaa ismaan dhaafkii dhexdeena ka dhacay marka xigana waxaan ka xumahay in faham khaldan laga qaatay fariintiiĀ  kiiska 怊MACALIN SHUCEYB怋oo eedaysane u ahaay hooyooyin Soomaaliyeed kuwaasoo usoo dacwooday saldhiga Booliiska Deg- Dhuusamareeb baaris kadib kiiska macalinka waxuu noqday mid lagaga been abuurtay waxaana been abuurkaas cadeeyay boliiska kiiskana ku wareejiyay maxkamada si sharci ahaan loo fasaxo sidaasna waxuu ku helay xuriyadiisa.

Intaasi kadib ka Booliis ahaan waxaan gudanay waajibkii naga saarnaa dhacdadaas waxaana uga jawaabnay sida ugu dhaqsiyaha badaneed madaama ciidanka Booliisku yahay u addeegaha shacabka.

Marna ba Booliiska Soomaaliyeed diyaar uma ahan in muwaadin Soomaliyeed sharafkiisa iyo karaamadiisa ku xadgudbaan, bal Boliiska waa kuwa u carbisan loona dhaariyay ilaalinta SHARAFKA, MAALKA, NAFTA & SUMCADDA Muwaadinka.

Ka General Zakia ahaan waxaan ka xumahay in si khaldan loo isticmaalay fariintayda ku aadaneeyd dhacdaasi waxaana si guud ugu cudardaranayaa MACALIMIINTEENA SOOMAALIYEED iyo qof walba oo si khaldan u fahmay fariinteedayda.

Mar walba Macallimiinteena iyo guud ahaan Bulshada Soomaliyeed waxaan u hayaa ixtiraam iyo qadarin gaar ah waana ogahay mudnaanta & qiimaha gaarka ay macalimiinta siisay diinteena suuban.

Difaacida nafta, maalka, sharafka iyo sumcadda bulshada Soomaliyeed waa waxaan ugu xirtay deriiska ciidan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -