Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Banaan baxyo rabshado watay oo looga soo horjeeday Cali Guudlaawe oo ka dhacay Baladweyne

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee caasimadda gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay halkaasi ka dhaceen banaan baxyo rabshado watay oo looga soo horjeeday maamulka Hirshabelle.

Sida aan wararka ku helnay shacab careesan ayaa isugu soo baxay waddooyinka qaar kamid ah magaalada Baladweyne, kuwaa oo maqlay war ku aadan in Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe maanta tagayo Baladweyne.

Dadka banaan baxa dhigayay ayaa ku dhawaaqayay ereyo ay uga soo horjeedaan Madaxweynaha Hirshabelle iyo maamulkiisa, waxa ayna cadeeyeen in aysan aqbali doonin in cagaha soo dhigo caasumadda Hiiraan.

Dibad baxayaasha ayaana taayaro ku gubay wadooyinka qaar, waxaana markii dambe dadkii banaan baxa dhigayay kala eryaya ciidamada ammaanka maamulka Hirshabelle oo rasaas ku riday.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in uu baaqday safar la qorsheenayay in Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe maanta ku tago magaalada Baladweyne ,kadib heshiiskii Dowlada Federaalka la gashay Jeneraal Xuud oo Cali Guudlaawe u diidanaa Baladweyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

https://www.youtube.com/watch?v=wodE3OIHo6w

Related posts

Taiwan: Dhoolatuska Shiinaha wuxuu ka dhigan yahay duulaan nalagu soo qaaday

Caydiid Ali

Maxay ka wada hadleen Raisul Wasaare khayre iyo danjire Aaden Xasan Aaden?

Caydiid Ali

Wasiir caan ah oo taageeray dibed-baxa Mucaaradku ku baaqeen Jimcaha

Caydiid Ali
Taboola Ads ---