Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne iyo Saddex Ra’isul Wasaare hore oo baaq kasoo saaray xaalada Koonfur Galbeed

Qaar kamid ah madaxdii hore ee dalka soo hoggaamisay ayaa qoraal wadajir ah ay soo saareen waxa ay uga hadleen xaalada siyaasadeed ee xilligan ka taagan Koonfur Galbeed iyo dagaalkii khasaaraha dhaliyay ee saakay halkaasi ka dhacay.

Qoraalka wadajirka ah ay soo saareen madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed , ra’isul wasaarayaal hore Cumar Cabdirashiid, Cabdiweli Maxamed Gaas iyo Xasan Cali Kheyre ayey walaac uga muujiyeen dagaaliii ka dhacay Baydhabo.

Madaxdan hore ayaa nasiib darro ku tilmaamay in maanta dalka ka dhaco dagaal aan aheyn kii lagula jiray Al Shabaab, waxa ayna ugu baaqeen dhinacyada isku haya siyaasadda Koonfur Galbeed in wadahadal wax walbo ku dhameeyaan.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan siyaasiyiinta iyo maamulka in ay wadahadalka iyo xalka fursad siiyaan, kuna qancaan in xalku yahay in Koofur Galbeed laga hirgeliyo doorasho la isla oggol yahay. Sidoo kale waxaan Dowladda Federaalka ka rajeyneynaa in ay qaadato kaalinteeda doorashooyinka labada heer dhowrtan muddo xilleedka sharciga ah si dalka looga badbaadiyo dib u dhac.” ayey ku yiraahdeed qoraalka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ururka Shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliya oo Baaq Muhiim ah soo saaray

Cabdi Cade

Somaliland ma waxay xiriirka Taiwan ka door biday saaxiibadii dhalanteedka ahaa?

admin

Deegaanka Daarusalaam ee Muqdisho oo maanta si weyn looga ciiday (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---