Ilhan Cumar oo shaacisey in seygeeda cusub Tim Mynett uu qaatay diinta Islaamka

Afhayeen u hadlay Ilhan Cumar oo lagu magacaabo Jeremy Slevin ayaa xaqiijiyay in Tim Mynett oo ah seygeeda cusub uu qaatay diinta Islaamka.

“Waxaan kuu xaqiijinayaa inay isku guursadeen hab waafaqasan diinta Islaamka iyo sharciga, seyga Ilhan-na uu qaatay diinta Islaamka”, ayuu yiri Jeremy.

Balse Jeremy ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo haddii uu jiro magac cusub oo uu la baxay seyga cusub ee Ilhan Cumar iyo xilliga uu qaatay diinta Islaamka.

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka Congress-ka Mareykanka, lagana soo doorta Minnesota ayaa maalmo shaacisay iney guursatay Tim Mynett oo u qaabilsanaa ololaheeda doorashada, muddo badana lagu xamanayey inuu xiriir ka dhexeeyo.

Guurka Ilhan Cumar ayaa hadal heyn badan ka dhaliyey baraha bulshada, waxaana si weyn u dhaleeceeyey inta badan dadka Soomaalida ah oo ilhan ku eedeeyey iney u geftay diinta Islaamka oo ay sheegeen ineysan ogoleyn in haweeney muslimad ah ay guursato nin diin kale aaminsan.

Warka soo shaac baxay ee la xiriira inuu diinta islaamka qaatay Tim Mynett ayaa Ilhan Cumar ka yara debcinaya culeys weyn oo ka soo wajahay dadka taageersan oo qaarkood horey u sheegeen iney kala laabteen taageeradii, halka qaar kalena ay tilmaameen iney ka niyad jabeen sida ay u dhaqmeyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -