Golaha Amaanka oo mar kale Baaq kasoo saaray Doorashada Soomaaliya

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay oo shir ka yeeshay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa mar kale ugu baaqay hogaamiyaasha Soomaaliya in ay isugu yimaadaan shirka ay uga wada xaajoonayaan khilaafka doorashada ka taagan.

War saxaafadeed kasoo baxay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in golaha warbixin ku saabsan khilaafka doorashada ka taagan ka dhageesteen ergayga gaarka ah ee  Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya Amb, James Swan.

Amb James Swan ayaa Golaha amaanka u sheegay in ay muhiim tahay in doorasho loo dhanyahay ka dhacdo Soomaaliya sida ugu dhakhsaha badan, waxa uuna tilmaamay in doorasho ka dhacda Soomaaliya ay dan ugu jirto dhamaan Soomaalida.

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay dhinacyada Soomaalida in ay xaliyaan khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya iyada oo lagu saleenayo heshiiskii horey u gaareen Madaxda DF iyo kuwa dowlad goboleedyada  17-kii Sebtember 2020.

Doorashada Soomaaliya ayaa waxaa wali ka taagan khilaaf ay ku guul dareesteen in ay xaliyaan hogaamiyaasha Soomaalida, waxaana marar badan guul dareestay dadaalo beesha caalamka ku dooneysay in heshiis looga gaaro khilaaflka doorashada ka taagan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -