Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Howlgalo ka dhan ah Al-shabaab oo ka bilowday degaano ka tirsan Mudug

Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Degaanka ayaa maanta howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan koonfurta gobolka Mudug

Degaanada ay gaareen ciidamada ayaa waxaa ka mid ah Hareeri dheere, Sameena gowrac, Ricad, Cimaamad ,shabeeloow ,xawaal xasan cade, jiray, iyo deegaano kale oo dhaca Koonfurta Gobolka mudug.

Saraakiil ka tirsan ciidanka XDS, Daraawiishta iyo kuwa Deegaanka ayaa booqday Deegaanada Ciidamadu Howlgalka ka wadeen iyagoo ku amaanay ciidanka shaqada ay Dalka u hayaan.

“Ciidamada Dowladda, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Deegaanka ayaa Koonfurta Mudug ka bilaabay Howlgalka khawaarijta Al Shabaab Dalka looga saarayo” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada Galmudug oo intaas ku daray iney sii socon doonaan howlgalada.

Al-shabaab ayaa haatan u muuqda iney ka sii dhamaanayaan gobolada dhexe ee dalka, waxaa horey looga saaray gobolka Sh/dhexe guud ahaan iyo qeybo ka mid ah gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

Related posts

Godad ay Al Shabaab hubka iyo Raashinka ku keydsan jireen oo la bur buriyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xaamud Samraan Al Xuweyti oo ku geeriyooday Muqdisho iyo Dowlada oo ka hadashay

Cabdi Cade

Badbaadada Falastiiniyiinta ma wuxuu ku xiranyahay in Xamaas la kala diro?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---