Reer Galbeedka iyo dalal Islaam ah oo ka carooday go’aan ka soo baxay Taliban

Maamulka Islaamiga ah ee Taliban ayaa waxay ku dhawaaqeen in hablaha laga xayiray waxbarashada sare illaa uu ka soo baxayo amar dambe.

Turkey iyo Sacuudiga ayaa noqday labadii dal ee ugu dambeeyey ee Muslim ah ee cambaareeya go’aanka mas’uuliyiinta Taliban ay haweenka uga mamnuuceen Jaamacadaha.

haweenka ku jira waxbarashada sare ee dalka Afghanistan ayaa waxay u kallaheen inay aadaan Jaamacadaha ay dhigtaan, hase ahaatee waxaa iridaha jaamacadaha la dhigay ciidamo ka tirsan ururka Taliban, kuwaasoo hablaha ku wargelinayey inaan loo ogolayn inay galaan jaamacadda maadaama uu xalay soo baxay amar lagaga mamnuucayo waxbarashada sare.

Tallaabadan hablaha lagaga mamnuucay waxbarashada sare ayaa cadho badna ka abuurtay gudaha dalkaas iyo weliba caalamka, kuwaas oo ku eedeeyey ururka Taliban inay go’doominayaan dalkaas.

Goobjoogayaal ku sugan caasimadda Kabul ayaa arkay, ardayda oo ooyaya, isla markaana laabta isgelinaya, iyaga oo ku sugan afaafka hore ee jaamacadaha, oo ay ku jirto Jaamacadda weyn ee dawliga ah ee Kabul Public University.

Maraykanka ayaa si degdeg ah u cambaareeyey tallaabadan hablaha lagaga mamnuucay jaamacadaha iyaga oo uga digay maamulka islaamiga ah, cawaaqibka ay kala kulmi karaan tallaabadan.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in mamnuucistan “aysan islaaami iyo bani’aadannimo midna aheyn.”

Isaga oo ka hadlayey shir jaraa’id oo ay wada qabteen dhiggiisa Yemen, Cavusoglu ayaa ugu baaqay Taalibaan inay ka laabtaan go’aanka.

“Waa maxay dhibka ku jira waxbarashada haweenka? Maxay dhib ah oo ay u gaysaneysaa Afghanistan?” ayuu yiri Cavusoglu. “Ma jirtaa sharraxaad Islaami ah? Taa caksigeeda, diinteenna Islaamku maaha mid kasoo horjeeda waxbarashada, taas beddelkeeda, waxay dhiirigelisaa waxbarashada iyo cilmiga.”

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa “la-yaab iyo qoomamo” ka muujisay in haweenka Afghanistan loo diiday waxbarasho jaamacadeed.

- Advertisement -