Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa wufuuda ay kala hoggaaminayaan ayaa wadahadalo laba geesood ah waxay uga furmeen Aqalka Madaxtooyada Mombasa.
Labada wafdi ayaa ka wada hadlay dhowr arrimood oo istiraatiiji ah oo danta guud ka dhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya, waxaana ugu muhiimsanaa soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee Nairobi iyo Muqdisho.
Soomaaliya iyo Kenya ayaa kala saxiixday Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga (JCC) sannadkii 2015. JCC kaas oo qeexayay baaxadda iskaashiga labada dal ee dhinacyada sida ganacsiga iyo maalgashiga, gaadiidka, difaaca iyo amnig
Booqashada Ra’iisul Wasaaraha oo qaadan doonta saddex maalmood ayaa waxaa ku weheliya wasiirka Arrimaha Dibadda mudane Maxamed Cabdirisaaq iyo saraakiil kale oo ka tirsan xukuumadda iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com