Ajaaniib dalalkooda Dambiyo kasoo galay oo la shaaciyay in Soomaaliya joogaan

Magaalooyinka ugu waa weyn ee Soomaaliya waxaa xiligan ku sugan ajaaniib aad u badan kuwaa oo ka kala yimid wadamo kala duwan, waxa ayna Ajaaniibtan u badan yihiin kuwa shaqo u jooga Soomaaliya.

Taliyaha Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadda ee dowladda Soomaaliya G/sare Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa sheegay in dalka soo galeen ajaaniib badan uu sheegay in qaarkood sharci daro kusoo galeen.

Koofi ayaa sheegay in ajaaniibta Soomaaliya soo gashay qaarkood ay yihiin kuwa dalalkooda kasoo galay dambiyo kala duwan kana soo baxsaday, halka kuwa kalana ay yihiin kuwa shaqo iyo nidaam kale u yimid.

Waxa uu sheegay Taliyaha  in ay wadaan habab lagu diiwaan galinayo ajaaniibta dalka ku dugan, waxa uuna xusay in dadka dambiyada soo galay ee dalka jooga loo gacan galinayo wadamada ay dambiyada kasoo galeen iyo hay’adaha amaanka.

”Waxaa dalka ku sugan ajaaniib badan oo qaarkood sharci daro dalka kusoo galay, waxaa ku jira kuwa dalalka ay kasoo jeedaan kasoo galay dambiyo, ajaaniibta qaar ilmo ayeyba dalka ku dhaleen, waxaana wadnaa hab aan dadkaasi ku diiwaan galineyno kuna kala saareyno” Ayuu yiri Koofi.

Gudaha Soomaaliya waxaa mudooyinkii dambe soo galayay ajaaniib qaarkood dalalkooda dambiyo kasoo galay, mana jiro nidaam dadkaasi lagu ogaado, waxaa sidoo kale dalka soo galay ajaaniib shaqo u timid sida Dhaqaatiir, Macalimiin iyo Injineero.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -