Dowlada Jabuuti oo lagu eedeeyey iney taageero Milateri siineyso Somaliland

Mucaaradka Jabuuti ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle inuu taageero milateri siinayo Maamulka Somaliland si uu uga caawiyo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood.

Xisbiga Dimuqraadiga Jabuuti (PADD) oo War-saxaafadeed soo saaray ayay ku sheegeen in saraakiil ka socotay Somaliland ay gaareen Jabuuti ayna dhambaal ka socday Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi gaarsiiyeen Madaxweyne Geelle.

War-saxaafadeed ayaa waxaa lagu sheegay  in Muuse uu ka codsaday Ismaaciil Cumar Geelle inuu taageero milateri siiyo si ugu adeegsado dagaalka Laascaanood.

“Ilaa dhamaadkii Janaayo 2023 iyo tan iyo markii ay bilowdeen dagaalada Laascaanood, Madaxweynaha Jabuuti wuxuu faragelin ku hayay arrimaha gudaha ee Soomaaliya isagoo ku marmarsiyoonaya inuu ka shaqaynayo nabadda,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka mucaaradka Jabuuti.

“Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu ku xadgudbay qodobka 2-aad ee Axdiga Qarammada Midoobay, kaasoo aan ogolaanayn in la fara galiyo xukunka gudaha ee dawlad kasta ilaa ay jiraan khataro weyn oo nabadda caalamiga ah jebinaya,” ayay sidoo kale yiraahdeen mucaaradka Jabuuti oo Madaxweyne Geelle ugu baaqay inuusan dab ku sii shidin dagaalka ka socda Laascaanood

Xisbiga Dimuqraadiga Jabuuti (PADD) ayaa waxay sidoo kale ugu baaqeen dhinacyada isku haya Laascaanood inay aqbalaan dhexdhexaadinta Madaxweynaha Soomaaliya ayna xal ka gaaraan khilaafka sababay dagaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -