Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Wafdi uu hogaaminayo oo u dhoofay Itoobiya iyo xog ku aadan ….

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta oo jimco ah u dhoofay magaalada Adis Ababa ee Caasimada dalka Itoobiya.

Safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ku aaday dalka Itoobiya waxaa ku wehliya xubno katirsan golaha Wasiirada, waxaana la filayaa R/Wasaaraha iyo xubnaha la socda in kulamo la qaataan Madaxda dowlada.

Magaalada Adis Ababa waxaa maalmo kahor safar qarsoodi ah ku tagay agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin ,Wasiirka Arimaha Dibada Xukuumada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo xubno katirsan Xafiiska Madaxweynaha .

Sida aan wararka ku heleyno Ra’isul Wasaare Kheyre iyo wafdiga la socda ayaa madaxda  Itoobiya kala hadli doona arimo muhiim ah ay kamid tahay Heshiiska Dekadda Berbera oo qeyb ka tahay Itoobiya iyo Khilaafka u dhaxeeya dowlada iyo Maamul goboleedyada.

Madaxda dowlada ayaa doonaya in xiriir hoose la yeesaan Dowlada Itoobiya oo saameyn muuqata ku dhax leh Siyaasada Soomaaliya, waxa ayna Madaxtooyada Soomaaliya dooneysa in la xumeeyo xiriirka Itoobiya iyo Maamul goboleedyada.

Itoobiya ayaa inta badan taageerta Madaxda maamul goboleedyada dalka oo hada isku baheestay in ay mucaarad ku noqdaan dowlada Federaalka, waxaana dowlada Soomaaliya ka shaqeeneysa sidii loo kala fur furi lahaa Itoobiya iyo Maamul goboleedyada.

Dowlada Itoobiya hogaankeeda ayaa dhawaan isbadal ku yimid, waxaana dowlada Soomaaliya dooneysaa in isbadalkaasi ka faa’iideesato ayna wanaajiso xiriirka dowlada Itoobiya kala dhaxeeya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -