Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Shaaciyay in Musuqmaasuqa yahay Cudur aad u xun (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta soo xiray munaasabad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee la dagaalanka musuqmaasuqa.

Xamse Barre oo munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa sheegay in musuqmaasuqa uu yahay cudur xun oo ku dhaca dowladnimada, waxa uuna xusay in uu caqabad ku yahay musuqmaasuqa horumar walbo oo la sameyn lahaa.

“Musuqmaasuqa waa mid kamid ah cudurada ugu xun ee ku dhaca dowladnimada, musuqa wuxuu caqabad ku yahay hormar walba ee la sameyn lahaa, wuxuu caqabad ku yahay in laga faa’ideysan waayo kheyraadkii ay bulshada lahayd, bulshada ayuu kala fogeeyaa oo ku kala noolaada laba heer oo kala dheer” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre .

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre ayaa ballanqaaday in xukuumadda uu hoggaamiyo ay dardargelin doonto dhisidda hay’adaha iyo shuruucda ladagaalnka musuqmaasuqa si meesha looga saaro loolana dagaalamo musuqa dalka hormarkiisa la haray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -