Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka DF ee Sh/Dhexe (Sawirro)

Dagaalyahan la sheegay inuu ka soo goostay Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidamada DF ee ku sugan gobolka Sh/dhexe sida ay baahisay warbaahinta dowlada.

Nuur Macalin Abuukar Calasow oo sheegay inuu ka mid yahay Al-shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay  Ciidamada dowlada ee jooga deegaanka Furqaan ee hoos taga Degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelada dhexe.

Goobta lagu soo bandhigay waxaa ku sugnaa Taliyaha Ciidanka dhulka XDS General Maxamed Tahliil Biixi, taliyaha Guutada 17-aad ee Gorgor Dayax Cabdi Cabdulle iyo masuuliyiin kale.

Isagoo ka hadlayey Nuur Macalin Abuukar Calasow sababta uu uga soo goostay Al-Shabaab ayuu sheegay iney tahay markii uu adkeysan waayey dhibaato uu sheegay in kooxdaas ay ku hayaan shacabka.

Inta badan dagaalyahanadii Al-Shabaab ee lagala wareegay degaanadii ay ka joogeen gobolka Sh/dhexe ayaa la sheegay iney noqdeen kuwo la dilay, qaar la dhaawacay iyo kuwo degaano kale u baxsaday, waxaana aad u yar kuwo isku dhiibay ciidamada DF.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -