Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay Gaalkacyo iyo Faah faahino kasoo baxaya

Wararka ka imaanaya Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax nuuciisa lagu sheegay Miino, waxaana qaraxan khasaaro uu kasoo gaaray askar iyo dad shacab ah.

Qaraxa miino ayaa la sheegay in uu ka dhacay agagaarka xarunta dowladda hoose ee maamulka Gaalkacyo ee dowlad goboleedka Galmudug, waxaana qaraxa uu dhacay xili goobtaasi joogeen dad kala duwan.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxan ku dhaawacmay afar qof oo isugu jiray ciidan iyo shacab, waxaana dadkan oo qaba dhaawacyo kala duwan loola cararay Isbitaal kuyaala Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada booliiska iyo Nabad sugida Galmudug ayaana qaraxa kadib bilaabay baaritaano , lamana oga in ciidamada amaanka gacanta kusoo dhigeen dadkii ka dambeeyya qaraxa goordhaw ka dhacay Koonfurta Gaalkacyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -