Duqeyn Khasaaro Dhimasho sababtay oo ka dhacday Shabeelaha Hoose

Diyaarad dagaal oon la ogeyn halka laga leeyahay ayaa maanta Duqeyn khasaaro dhimasho sababtay waxa ay la beegsatay gaari marayay inta u dhaxaysa deegaannada Goobaalle iyo Baladul-Amiin ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Gaariga duqeynta lala beegsaday ayaa la sheegay in ay la socdeen sadex qof oo shacab ah, kuwaa oo dhamaantood ku geeriyooday gantaalka lagu dhuftay gaarigii ay la socdeen sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Warbaahinta afka Al Shabaab ku hadasha ayaa baasiyay in dadka duqeynta lagu dilay ay ahaayeen dad shacab ah uu ku jiro nin u shaqeenayay Shirkada Isgaarsiinta Hormuud, labada ruux kale ayaa la sheegay in ay ahaayeen raga ceelasha qoda.

Dowlada Soomaalia ayaan wali ka hadlin duqeyntan khasaaraha dhalisay ee ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose, sidoo kale ma jirto cid sheegatay masuuliyada duqeyntan maanta dhacday.

Diyaarado dagaal ayaa marar badan gudaha Soomaaliya waxa ay ka fuliyeen duqeyno ay khasaaro badan kasoo gaareen dad shacab ah, mana jiro inta badan cid magdhaw ama raali galin ka bixisa dadka shacabka ah ee lagu dilo Duqeymaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -