Gudoomiye Cabdicasiis Duurow oo Xilka si rasmi ah ula wareegay (Daawo Sawirro)

Gudoomiyaha Degmada Buuloburte Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cabdi Duurow ayaa shalay si rasmi ah Xilka ula wareegay kadib markii loo magacaabay Xilkaan 19.12.2018, waxaana Xafkadda Xil wareejinta goobjoog ka ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle, Wasiirka Qarsheynta, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xanaanada xoolaha iyo Beeraha, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeele, Masuuliyiintii hore ee maamulka Degmada buulaburde ,Saraakiil ka tirsan Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Federaalka, Odoyaasha Dhaqanka, Ururada Haweenka iyo Dhalinyarada.

Xafladda Xil wareejinta waxaa ka hadlay Gudoomiyihii hore ee Degmada Buuloburte Cabdi Daahir Guure oo sheegay in uu soo dhaweynayo Maamulka cusub ee Dowlad Goboleedka Hirahabeelle u soo magacaawday degmada, isla markaana ay si wanaagsan ula shaqeyndoonaan.Gudoomiayaha cusub ee Degmada Buuloburte Mudane Cabdicasiis Duurow ayaa ka hadlay Xafladda uu xilka kula wareegay ayaa xusay in uu ka shaaqeyndoono hormarinta kaabayasha dhaqaalaha Waxbarashada ,Caafimaadka iyo Amniga.

Wasiirka Wasaaradda arimaha gudaha ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa si rasmi ah xilka ugu wareejiyay Gudoomiyaha cusub ee Degmada Buuloburte, Waxaana uuna kula dardaarmay Xubnaha ka wada tirsan Maamulka degmada in ay si Wadajir ah ula shaqeeyaan Gudoomiyaha Cusub.

Xildhibaan Maxamed Bashiir Khaasim (Daqare) oo goobjoog ka ahaa Xafladda Xilwareejinta ayaa Sheegay in Maamulka Degmada Buuloburte looga baahanyahay in si dhow ay ula Shaqeeyaan Bulshada Magaalada, waxa uuna soo dhaweeyey sida wanaagsan ee ay u dhacaday Xilwareejinta qiimaha badneyd.

Xilwareejinta maanta oo aheyd mid si heersare loo soo agaasimay ayaa dhammaan dadkii ka hadlay waxa ay isku raceen in si Wanaagsan ay ula shaqeyndoonaan Gudoomiyaha Degmada Mudane Cabdicasiis Duurow.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -