Mareykanka oo kordhiyay tirada Madaxda Soomaalida uu kusoo rogay cunaqabateynta

Mareykanka ayaa xoojiyay cunaqabateyn dhinaca fiisaha ama socdaalka uu kusoo rogay madax katirsan dowladda federaalka Soomaaliya, kuwa maamul goboleedyada iyo kuwa kale oo qeyb ka ahaa dib u dhaca doorashada Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa ballaarisay tirada dadka Soomaalida ah ee lagu soo rogay xayiraadaha fiisaha, kuwaas oo lagu eedeeyay wiiqista hannaanka dimuqraadiyadda Soomaaliya.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Antony Blinken ayaa sheegay in la kordhiyay tirada hoggaamiyaasha Soomaalida ee cunaqabateynta lagu soo rogay, waxa uuna xusay in dadka masuulka ka ahaa dib u dhaca doorashada saameyn doonto cunaqabateynta.

Dowladda Mareykanka tallaabadan ay ku kordhisay tirada dadka ay cunaqabateynta kusoo rogtay ayaa kusoo aadeysa xilli mar kale dib u dhac ku yimid jadwalkii dhameystirka doorashada xildhibaanada gollaha shacabka.

Madaxda Soomaalida ee lagu soo rogay cunaqabateynta ayaa weli la shaacin magacyadooda, waxaana la tuhmayaa in ay ku jiraan madaxda ugu sareysa dalka qaarkood, madaxda maamul goboleedyada iyo siyaasiyiin kale oo saameyn leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -