Muslimiintu ma u gudbayaan wejigii labaad ee halgankooda?
Ma noqon karaan kuwa dib u qoraya khariiradda awoodda caalamka?
Dagaallada ka socda Qasa, weerarrada Iran iyo Pakistan ay qaadeen, iyo colaadda istiraatiijiga ah ee Bariga Dhexe ma yihiin kaliya falcelin, mise waa qorshe waqti fog ah oo si xeelad leh loo maamulo?
Falanqeyntan gaaban waxay isku xiraysaa dhacdooyinka milatari, xogaha sirdoonka, iyo astaamaha iftiiminaya isbeddel muuqda oo ka dhex billowday ummadda Muslimka ah.
Weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar wuxuu muujiyay in awoodda xisaabta, sirdoonka gudaha iyo diyaarinta maskaxda dagaalka ay ka xoog badan yihiin gantaalaha la jecel yahay in laga faano. Mar haddii Xamaas ay jabin karto difaacyadii Iron Dome, waxay si cad u iftiimisay in kooxdaasi aysan ahayn kaliya xoog jihaadi ah, balse ay noqotay hay’ad militari iyo sirdoon isku dhafan.
Markii Iiraan ay qaaday weerar ballaaran oo toos ah oo lagu beegsaday Israa’iil, waxay jebisay caado nus qarni jirtay — in aysan si toos ah Israa’iil u weerarin! Waa dagaal la jaanqaadaya xeerar cusub oo sirdoon, xeelad iyo digniin qarsoodi ah isku dhafan.
Tiro weerarro ah oo Iran qaaday ayaa si sax ah u beegsaday bartilmaameedyo milatari iyo sirdoon, oo ay ka mid yihiin xarumo la tuhunsanaa inay Mossad leedahay, taasoo tilmaamaysa in Iiraan ay haysatay xog aad u faahfaahsan oo gudaha Israa’iil ah.
Weerarkii cirku-mariyaha ahaa ee Pakistan ay ku qaaday gudaha Hindiya, gaar ahaan agagaarka xadka Kashmir, wuxuu calaamad u yahay dawlad Muslim ah oo ciidan ahaan u diyaarsan, kana faa’iideysan karta fursadaha istiraatiijiga ah ee ay siiso dagaalka qarsoon.
Pakistani waxay adeegsadeen sirdoon, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo weerarro qorsheeysan— dhammaan waxay tilmaamayaan in awooddii Muslimka Aasiya ay dib u soo kabanayso.
Isku-xirka qarsoon ee Muslimiinta:
Macluumaad laga helay ilo sirdoon caalami ah ayaa daaha ka rogay in:
•Iiraan ay si buuxda uga faa’iideysatay kaamirooyin amni oo gaar loo leeyahay gudaha Israa’iil, si ay u hesho xog waqti-dhab ah.
•Waxaa jiro is-faham hoose oo aan si rasmi ah loo shaacin oo u dhexeeya Tehran, Islamabad iyo xoogag kale oo Islaami ah — iyadoo si toos ah u muuqan, haddana la dareemayo.
•CIA iyo Mossad waxay si gaar ah u diiwaan geliyeen kororka weerarada “indirect” ah ee laga abaabulo gudaha dalalka reer galbeedka, taasoo kor u qaadaysa argagaxa sirdoonka reer galbeedka.
Taariikhda ma soo laabatay?
Waa wax aad u adag in la inkiro in dhacdooyinkan ay dib inoo xasuusinayaan dhacdooyin taariikhi ah oo Muslimiintu ay ku dhaliyeen isbeddel awoodda caalamka, sida:
•Dagaalkii Yom Kippur (1973) oo Carabtu jebisay Israa’iil si lama filaan ah.
Dagaalka, waxaa ka dhashay inay Israa’iil, dadaal ku bixisay iyadoo iskaashi ka helaysa hay’adaha galbeedka in la burburiyo awoodda muslimiinta si aysan khatar kale u dhicin, inta uu socday qorshaha isbeddelo ayaa ka dhacay dalalka Carabta iyo dalalka kale ee islaamka , kuwaasoo loo rogay kuwa daciif ah, laakin mar kale halkii ay Israa’iil filaysay in hamigeeda uu hirgalay , waxaa soo baxday khatar ka sarreysa middii hore oo waqtigan , gudaha Israa’iil ayay gantaallo ka dhacayaan oo dabku ku shidanyahay Telaabiib.
Taariikhda waxaa kale oo ay dib noogu celinaysa:
•Kacaankii Xisbullah (2006) oo koox hubaysan jebisay ciidan rasmi ah.
•Intifada-1 oo carruurta dhagaxa wata ay noqdeen wajahad dagaal.
Hadda, dagaalku waa mid ay hoggaaminayaan sirdoon, tiknoolajiyad iyo faham xeel dheer oo dagaal maskaxeed ah, kaasoo saameynaya awoodaha ugu waa weyn dunidda.
Maxaa laga filan karaa mustaqbalka?
Dunidda Muslimka ah waxay u muuqataa mid ka bixi karta marxaladdii u dhexeysay dulmiga iyo difaacista, kuna sii jeedda weji cusub oo weerar, qorsheyn iyo dagaal istaraatiiji ah.
Waxa hadda muuqda waa in:
•Muslimiinta bartilmaameedkooda beddeleen, laga bilaabo gantaallo si aan kala sooc lahayn loo rido, ilaa weerarro sax ah oo bartilmaameedyo sirdoon leh lagu hago.
•Waddamada Muslimka ah waxay bilaabeen inay sameystaan sirdoonyo isku xiran, xog wadaag iyo cadaadis isgarab-taagan oo aan la shaacin.
•Kooxaha Muslimka ah oo hadda wata hubka qarsoon ee ugu xooggan: waayo-aragnimo, xog sir ah, iyo caqiido aan la jebin karin.
Su’aasha ugu dambeysa oo dunidda u baahan tahay inay si dhab ah u wajahdo waa:Muslimiintu ma waxay diyaar u yihiin inay qoraan wejiga cusub ee awoodda dunidda— iyaga oo aan oggolaan mar dambe in lagula dhaqmo si laga arkay qarnigii la soo dhaafay?
W/Q Iman Jamac