Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo lagu waday in uu magaalada Muqdisho ka furmo 22 ka bishan , ayaa dib u dhac ku ymid sida lagu xaqiijiyay war caawa lagu baahiyay Telefishinka Qaranka.
Warka dowladda kasoo baxay ayaa lagu sheegay in maalmaha xuriyadda awgeed dib loogu dhigay shirka Golaha Wadatashiga, waxaana la shaaciyay shirkan in uu qabsoomi doono 15 bisha July ee sannadkan.
“Iyada oo laga duulayo waynaynta iyo u diyaar garawga xuska toddobaadka Xorriyadda iyo ahmiyadda ay leedahay, waxaa dib loo dhigay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo horay uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, u muddeeyay 22-ka bishaan Juun 2025-ka, waxaana uu shirku qabsoomi doonaa 15-ka Luuliyo 2025-ka, insha allaah” ayaa lagu yiri warka dowladda kasoo baxay.
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, ayaa waxaa isugu imaan doona madaxda sare ee dalka iyo kuwa dowlad goboleedyada qaar, kuwaa oo ku mideysan hal xisbi siyaasadeed uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.