Nin hooyadiis dilay, dad kalena ku afduubtay Magalada Dresden oo la toogtay (Sawirro)

Booliska Jarmalka ayaa sheegay in nin looga shakisan yahay inuu dilay hooyadiis, kadibna labo qof ku qafaashay magaalada bari ee Dresden.

Maamulka ayaa dadka ku booriyay inay ka fogaadaan aaga bartamaha magaalada waxayna amar ku bixiyeen in suuqa Kirismaska ee Dresden uu sii xirnaado inta uu socdo howlgalka booliska ee lagu soo furanayo la haystayaasha.

Booliiska ayaa markii hore sheegay inay la xiriirayeen eedeysanaha ka hor inta aysan ku dhawaaqin wax yar ka dib duhurnimadii in ay dhammaatay xaaladdii afduubka.

“Eedaysanuhu wuxuu dhintay intii uu socday hawlgalka, ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray rasaas lagu furayu” bilayska Dresden ayaa goor dambe ku soo qoray Twitter. “40-jirka waxaa soo gaaray dhaawacyo halis ah halka, la haystayaashii la sii daayay.”

Booliska Dresden isla markiiba kama jawaabin codsiyada xaqiijinta ee ku saabsan in ninka ay dileen booliisku ama uu u dhintay dhaawacyo iskiis isu geystay. Booliisku waxay kaloo sheegeen in la-haystayaasha ay yihiin kuwo bad qaba.

40-jirka Jarmalka ah ayaa sidoo kale inta uusan geysan afduubka soo dilay hooyadiis oo 62 jir ah. Booliska ayaa haweenayda meydka ah ka helay qayb kale oo magaalada ah subaxnimadii saaka.

Lama oga illaa hadda sababta keentay in ninkan uu dilo hooyadiis ka dibna ku dhaqaaqo afduub uu markii dambe naftiisa ku waayey, hase ahaatee booliska ayaa sheegaya iney wadaan baaritaano.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -