Daacuun Maalin kaliya boqolaal qof ku dilay caasimada Port-au-Prince (Sawirro)

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in xanuunka daacuunku uu ka dilaacay dalka Haiti isaga oo si weyn ugu faafaya dalkaas. Maalinimadii Khamiistii ayaa wararku sheegayaan inay u dhinteen illaa 283 qof, halka cusbitaalada la dhigay in ka badan 12,000 oo qof oo xanuunkani soo ritay.

Waxay hore u codsatay in lala soo gaaro lacag gaadhaysa illaa $145 milyan oo dollar oo ay wax kaga qabato xanuunkan, hase ahaatee waxaa soo gaadhay oo keliya 16%, lacagta ay codsatay.

Ulrika Richardson oo ah isuduwaha bini’aadantinimada Qaramada Midoobay u qaabilsan Haiti ayaa sheegay in xaaladu ay ka sii darayso, isla markaana ay sii kordhayaan dadka uu xanuunkani ku dhacayo.

“Amni darrada ayaa sii socota, iyada oo laga helayo warbixino naxdin leh oo ku saabsan xadgudubyada xuquuqda aadanaha,” ayuu yidhi Richardson. Tusaale ahaan, caasimadda dalkaas ee Port-au-Prince ayaa wararku sheegayaan in 60% ay la wareegeen kooxo hubaysani sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -