Maxaa ka jira in ciidamada Itoobiya ay qabsadeen galbeedka gobolka Tigray?

Ra’isul Wasaaraha Ethiopia Abey Ahmed ayaa Khamiista maanta sheegay in milatariga dalkaasi ay qabsadeen galbeedka gobolka Tigray, kaddib todobaad uu halkaasi dagaal culus ku dhexmarayay ciidamada milatariga dowladda federaalka iyo kuwa gobolka Tigray.

“Gobolka Galbeed ee Tigray waa la xoreeyay.” ayuu ku yiri Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, isagoo intaasi ku daray in ciidankiisa ay gargaar bani’aadannimo hadda u fidinayaan dadka rayidka ah.

Isgaarsiinta iyo warbaahinta oo loo diiday darteed, ayaanan la xaqiijin karin sheegashada Ra’isul Wasaare Abey.

Hay’adaha gargaarka ee caalamiga ah ayaa sheegay, in dad ka badan 10 kun oo kasoo jeeda gobolka Tigray ay ka gudbeen xadka Itoobiya ay la wadaagto Sudan.

Xafiiska Gargaarka Bani’aadannimo ee Q/Midoobay ayaa sheegay, in hey’adaha samafalka aysan wali awoodin inay gargaar bani’aadannimo sida dawo iyo cunto gaar-siiyaan dadka wali ku nool goobaha dagaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -