Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal ciidan oo hub iyo gaari kala soo goostay Somaliland oo lasoo bandhigay (Sawirro)

Maamulka Khaatumo SSC ayaa maanta soo bandhigay sargaal ciidan oo la sheegay in uu kasoo goostay ciidamada maamulka Somaliland uu katirsanaa, waxa uuna sargaalkan lasoo baxsaday gaari iyo hub.

Sarkaal lasoo bandhigay oo lagu magacaabo Mustafe Cali Dhako ayaa maamulka Somaliland kala soo goostay guuri nuuciisu yahay Layla Calaawi iyo sidoo kale afar qoray oo nuucoodu yahay PKM iyo saddex qoray oo AK-47 ah.

Masuuliyiin iyo saraakiil katirsan maamulka Khaatumo ayaa soo dhaweeyay sargaalkan dhankooda isku soo dhiibay, waxaana sargaalkan kahor tagay oo soo galbiyay ciidamo katirsan maamulka SSC.

Maamuka SSC ayaa sidaan oo kale horey ugu soo bandhigay saraakiil iyo ciidamo la sheegay in ay kasoo goosteen maamulka Somaliland, kuwaa oo u badnaa kuwa deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka Sool.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Itoobiya oo xireysa Dugsiyada satre ee dalkaasi iyo Sababta oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Guddoomiye Filish oo kormeeray dhisme ka socda xarun burbursaneyd 30 sano (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Salva Kiir oo Ramadaan Maxamed u magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---