Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Baarlamanka Galmudug oo go’aano soo saaray & Xildhibaano cusub oo..

Guddiga Joogtada ee Golaha Baarlamaanka Galmudug Fadhigiisa 2aad ayaan maanta Shir-guddoomiyey isaga oo ka dooday Ajandaha;

  1. Dhameystirka Jadwal-hawleedka Kalfadhiga 6aad.
  2. Dhaarinta laba Xildhibaan oo Cusub.

Ugu horreyn waxaa Xubin-nimada Baarlamaanka 2aad ee Galmudug loo dhaariyey Mudanayaasha kala.ah;

  1. Xil. Maxamed Warsame Cabdi.
  2. Xil. Cabdixakiim Cali Guure.

Guddiga ayaa ugu Hambalyeeyey Xilka cusub ee loo dhaariyey Mudanayaasha, una rajeeyey in Alle u fududeeyo Mas’uuliyadda Culus ee loo igmaday.

Guddiga ayaa ka dooday kadibna qiimeeyey Xaaladda guud ee deegaanada Galmudug iyo Duruufaha ku hareeraysan Xildhibaanada oo ay ka midyihiin;  Dagaalka lagula jiro alshabaab, Abaaraha saameeyay Deegaanada Galmudug, Dhismaha Golayaasha Deegaanka iyo Dawrka Baarlamaanka.

Dood iyo falanqeyn kadib Guddiga ayaa soo saaray Go’aanadan;

  1. In Kalfadhiga 6aad ee Golaha oo furnaa muddo bil ah la xiro laga bilaabo Maanta 04/12/2022.
  2. In Qorshaha ka dhiman Jadwal-hawlwedka Kalfadhiga 6aad dib loogu dhigo Kalfadhiga 7aad.
  3. In Goluhu galo Fasax dhan laba bil, laga bilaabo 05/12/2022.
  4. In Hawlaha deg-dega ah ay sii wadaan Guddiga Joogtada Muddada u dhaxeysa labada Kalfadhi.
  5. In Kalfadhiga 7aad uu furmo bisha Febaraayo 2023.

Guddiga ayaa guul u rajeeyay Xildhibaanada ku sugan Furumaha hore ee Xoreynta Alshabaab iyo kuwa ku Hawlan dhismaha Golayaasha deegaanka iyo daadejinta adeegyada Dawladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Qisada nololeed ee Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo xalay ku Geeriyooday Muqdisho

Cabdi Cade

Gantaalo caawa lagu weeraray Magaalada Asmara iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Madaxweyne Laftagareen oo Cafis u fidiyay Maxaabiis kana bixiyay lacago lagu lahaa (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---