Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Daroogo lagu qabtay garoonka Aadan Cabdulle oo la soo bandhigay

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa so bandhigay dawooyin loo isticmaalo daroogo ahaan oo lagu qabtay garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya oo Qoraal kooban soo saaray ayaa faahfaahin ka bixiyey daroogadan kaasoo u qornaa sidatan hoose..

Maanta 04/Dec/2022, Saldhiga Boliiska Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde, ayaa lagu soo bandhigay dhowr nuuc oo daawooyin Koontrobaan ah kuwaasoo loo isticmaalo in lagu sarqaamo.

Daawooyinkas oo dhowr jeer siyaabo kala duwan loogu qabtay Garoonka ayaa kala ah ;- 6 cartoon Tramadole Capsule 100 mg iyo 50 mg oo ay soo saaraan shirkadaha Zain Pharma iyo Zamadol oo ay soo saartay Zimadol, 2 cartoon oo Codeine Sharoobo Benyalin, Pregabalin Capsule 2 Cartoon, Cirbadaha Pethidine & oxytin 100 mg, oo ay soo saartay Martindole Pharma iyo hal cartoon Cirbada Robadole tramadole oo ay soo saartay Radiance Pharmaceticals Limited.

Muqaadaraadkan ayaa ah qodobka ugu weyn ee sababa dembiyada nuucyadooda kala duwan, waxey Ciidanka Boliisku heegan buuxa ugu jira inay kula dagalaamaan muqaadaraadka dhan kasta oo uu ka soo galo dalka. Sida Garoonka, Dekada iyo Xaduudaha dalka. Waxaan u digaynaa cid walba oo ku howlan inay dalka keenaan daawooyinkaas lagu sarqaamo ee aan aheyn sifada sharciga ah.

Mahadsanidiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faah faahino kasoo baxaya dil qorsheesan oo caawa ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Mengistu Hailemariam iyo Desalegn oo kulmay iyo Muran ka dhashay

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay shirka aan Caadiga aheyn ee madaxda IGAD u furmaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---