Maxkamadda Caalamiga ee ICJ oo Ganafka Ku Dhufatay Sheekada Khariidada Kenya

Maxkamadda ICJ ayaa Sabtigii February 13, 2021 diiday cudurdaarkii Kenya ee dib u dhigidda aan xadidneyn, una xaqiijisay dhinacyada in dhagaysiga dacwadu uu u dhici doono sidii loogu talagalay laga bilaabo March 15 ilaa 19 (The Star 13/02/2021). Khamiistii February 11, 2021 ayaa Wasiirka Warfaafinta DFS Cusmaan Abuukar Dubbe sheegay in Soomaaliya aysan mar kale aqbali karin in dacwada badda dib loo dhigin.

Dowladda Kenya ayaa December 11, 2020 iyo January 28, 2021 qoraallo iskaga daba dirtay Maxkamadda kaddib markii January 26, 2021 ay xaqiiqsatay in kiiska lagu dhageysan doono qaabka fogaan aragga (virtual). Nairobi waxay malaha fahmi la’eed in maxkamadda ay May 19, 2020 u xaqiijisay labada dhinac in, “dib u dhigis dambe la bixin doonin (CSO Maritime Alliance 18/10/2019).

Soomaaliya iyo Kenya, ayaa Abril 7, 2009 heshiis is-af-garad ah kala saxiixday oo ujeeddadiisu ahayd in midkoodna midka kale uusan ka hor istaagin gudbinta dalabka qolfoofta. Balse, Kenya oo ka faa’iideysaneysa daciifnimada Soomaaliya ayaa qorsheysata inay sohdin-badeedka ay la wadaagto dalka, dib u xariiqdo, kana dhigto mid barbarro la ah xarriiqinta loolka (parallel to the earth latitude), si ay uga dhacdo dhul bad-jiif ah oo dhan ilaa 100,000 kiilomiter oo labajibbaaran.

Dhowr sanadood oo wadahadallo quursi iyo qaddarin darro ah kaddib, Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa August 28, 2014 horgeyey Maxkamada ICJ dacwad, si ay qaraar kama dambays ah looga gaaro  xuduud baddeedka Soomaaliya iyo Kenya.

Nairobi waxay ogtahay in, “marka la eego sharciga badda [caalamka], xuduudaha caadi ahaan loo jiheeyo dhinaca xeebta, sida Soomaaliya ay doonayso;” (The Star 14/08/2019).

Sidaas darteed, waxay ku doodaysaa in garyaqaanadeedii hore ay dib uga gurteen difaaca dacwadda kuwii cusbaana xayiraadaha socdaalka Covid-19 uu ka horjoogsaday inay la kulmaan dhiggooda Kenyaanka ah, iyadoo weliba dhowr xubno oo ka mid ah qareennada ay yihiin kuwa qatar ugu jira caabuqa [aan safri karin].

Garyaqaanka Guud ee Kenya Ken Ogeto oo la hadlay warbaahinta ayaa yiri, “kiisku waa mid adag oo u baahan soo bandhigid habboon. Waxaanu sidannaa khariidado iyo dukumiintiyo u baahan in lagu sawirro maxkamadda oo aan suurtaggal ahayn in lagu dhageysto dacwada qaabka fogaan aragga” (Bloomberg 11/02/2021).

Walow labada dood ay lid isku yihiin, haddana dib u dhigistii ugu dambeysay waxay maxkamadda u sheegtay dhinacyada in “dacwadaha qoraalka kiiska horey loo xiray” (The Star 17/10/2019). Haddaba, waa maxay dokumeentiga iyo khariidadaha ay la roorayaan haddii dacwada qoraalka horey loo xiray?

Nairobi waxa caloolyow ku haya, in go’aanka Maxkamada ICJ uu ka iilan karo, taas oo cawaaqib xun ku yeelan karta siyaasadda Madaxweyne Uhuru Kenyatta, maamulkiisana ku qasbi doonto inuu bixiyo kharashka maxkamadda magdhawdana dhaqaalihii ay sida sharci darrada ah uga uruursadeen shirkadaha shidaalka baara ENI, Total, iwm. (Reuter 06/07/2012).

Kenya oo beerlaxawsaneysa maxkamadda ayaa ku cataawaday in caabuqa Covid-19 uu hoos u dhac ku ridday dakhligeeda, kharashkii ay u qoondeysay maxkamaddana ay u isticmaashay ka hortagga aafada Covid-19, deyn cafin ay fileysana aysan soo muuqan.

Su’aal taagan waxaa ah, sidee  Muqdisho oo ay Nairobi ku tilmaantay inay dowlad ka jirin ay u diyaargarowday, balse Kenya ay kalsoonidii kaga luntay. Waxaan sir ahayn, in suurtaggalnimada guuldarradu ay ka badan tahay tan guusha. Sidaas daraaddeed, Kenya ma doonayso in shilin dambe uu kaga baxo dacwada.

In muddo ah Kenya waxay u ololaynaysay in Soomaaliya lagu qasbo inay dib ula noqoto dacwada Maxkamadda ICJ, iyadoo ku doodaysa in go’aanka maxkamad uusan xallin doonin arrimaha siyaasadeed ee ku xiran kiiska. Markii dheg loo dhigi waayayna ayey bilawday faraggelin siyaasadeed oo aan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto.

W/Q Cabdulqaadir Cariif Qaasim

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -