Maxkamad kutaalla Mareykanka xukun adag ku riday nin Soomaali ah oo dilay Xaaskiisa

Maxkamad kutaalla dalka Mareykanka ayaa xukun adag oo xabsi ah ku riday nin Soomaali ah oo lagu helay in uu dilay xaaskiisa, waxaana dilka ninkan uu geestay sannadkii 2019-kii si weyn uga argagaxay Soomaalida Mareykanka kunool.

Ninkan Soomaaliga ah oo lagu magacaabo Maxamed Cabdicasiis Keerow oo 48 jir ah, ayaa xeer beegtida San Diego ku xukuntay 26 sano oo xabsi, kaddib markii ay ku cadaatay in xaaskiisa ku dhax dilay gurigii ay degnaayeen.

Maxkamadda ayaa la horkeenay cadeemo muujinaya in Maxamed Keerow dilay xaaskiisa oo lagu magacaabayay Muna Salaad Kuru oo 36 jir ahayd, dilkan ayaana ka dhacay magaalada Cleveland Heights ee gobolka California.

Ninkan Soomaaliga ah ayaa dilka kaddib ka baxsaday dalka Mareykanka, waxaana maalmo kaddib lagu qabtay dalka Panama, ciidamada booliiska Mareykanka oo baadi goob ugu jiray ninkan ayaana markii dambe gacanta loo soo galiyay una gudbiyay maxkamad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -