Booliiska Mareykanka oo toogasho ku dilay Haweeney Soomaali ah iyo caro ka dhalatay

Booliiska Gobalka Georgia ee dalka Mareykanka ayaa toogasho ku dilay haweeney Soomaali ah oo la sheegay in madaxa looga jiray, waxaana dilkan si weyn uga carooday Jaaliyada Soomaaliyeed ee kunool dalkaasi.

Labo sargaal oo katirsan booliiska Mareykanka ayaa toogtay gabadhan Soomaaliyeed oo lagu magacaabayay  Shukri Cali Saciid oo 36-sano jir aheyd, waxaana gabadhan oo madaxa looga jiray xiligaasi diiday in ay dhigto toorey ay wadatay.

War kasoo baxay booliiska Gobalka Georgia ayaa lagu sheegay in laga soo wacay telfoonkooda gaarka ah laguna wargaliyay in haweeney wadato toorey halisna ku tahay nolosha dadka deegaanka.

Booliiska ayaa ku guuldareestay in si nabdoon gabadhan uga dhigaan tooreyda, waxaana rasaas ay ku dhufteen booliiska gabadhan Madaxa looga jiray sababtay in dhaawac culus uu kasoo gaaray ugu dhimato isbitaalka.

Soomaalida kunool dalka Mareykanka ayaa si weyn uga carooday dilka booliiska u geesteen gabadha Madaxa looga jiray, waxa ayna ku baaqeen booliiska lasoo baro sida loola tacaalo dadka dhimirka looga jiro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -