Ciidamada DF iyo kuwa Deegaanka oo isaga baxay Deegaanka Qaayib iyo Sababta keentay

Warar lagu kalsoon karo oon helnay ayaa sheegaya in ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda Soomaaliya, gabi ahaan isaga baxeen deegaanka Qaayib ee hoostaga degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Ciidamada deegaanka iyo kuwa milatariga Soomaaliya oo muddooyinkii lasoo dhaafay ku sugnaa deegaankaasi ayaa gabi ahaa ka baxay deegaankaasi, waxa ayna ciidamada u jiheesteen deegaano kale oo hoostaga Baxdo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in deegaanka Qaayib gaareen dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo horey ugu sugnaa goobo aan ka fogeyn, waxa ayna Al Shabaab deegaankaasi ka wadaan howlgalo baaritaano ah.

Sida wararka ku helnay ciidamada deeegaanka iyo kuwa dowladda ee ku sugnaa deegaanka Qaayib ayaa waxaa soo kala dhax galay khilaaf, kaa oo horseeday in ciidamada isaga baxaan deegaankan oo qabsashadiisa dhib badan laga maray,

Deegaanka Qaayib oo sannado badan Al Shabaab heesteen ayaa isbuucyo kahor laga saaray, waxaana deegaankaasi ciidankii joogay labo mar la kulmeen weeraro dhiig badan ku daatay sidoo kale ciidamada looga furtay gaadii dagaal iyo hub badan.

Ka bixitaanka Qaayib ee ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa dhabar jab ku noqoneysa qorshihii qabshada deegaanka Xiin Dheere ee gobolka Galgaduud iyo deegaano kale oo la qorsheeyay in Al Shabaab laga saaro.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -