Madaxweyne Muuse Biixi oo la kulmay Steen Sonne warbixin dheerna siiyay (Sawirro)

Madaxweynaha maamulka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa madaxtooyada ku dhax yaalla ku qaabiley Safiirka Cusub ee Dalka Denmark Ambassador, Mr. Steen Sonne Andersen.

Madaxweynaha ayaa safiirka warbixin guud ka siiyey xaaladda guud ee Somaliland iyo horumarka ay ku tallaabsatay, xoogana saartay nabadgelyada guud ee dalka oo ay iska kaashadaan marwalba shacabka iyo dawladu, iyagoo heegan u ah hirgeinta hannaanka Dimuquraaddiyadda ku salaysan ee arrimaha doorashooyinka.

Waxaana kulanka lagu lafo-guray sidii loo dar-dar gelin lahaa hawlaha ay Denmark iyo Somaliland hore isaga kaashan jireen ee dhinaca horumarinta arrimaaha bulshada iyo dhinaca dhaqaalaha.

Weftiguna dhinacooda waxay ka mahadnaqeen sida uu madaxweynuhu u soo dhaweeyey, iyagoo shacbiga Somaliland iyo dawladdoodaba ku hambalyeeyey horumarka ballaadhan ee dhinac walba ah ee ay ku tallaabsadeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -