Allbanaadir.com
NEWS

Booliska gobolka Banaadir oo xabsiga dhigay Fadumo Sahal Shariif

Ciidanka Boliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhiigga Boliiska Hodan ayaa soo xiray eedeysane Fadumo Sahal Shariif 19 jir kuna eedeysan in ay ku kacday falal Anshax-xumo  oo Lidi Ku ah Diinteena Suuban.

Gabadhan ayaa la sheegay iney ka mid tahay haweenka muuqaalada ku baahiya  baraha bulshada.

“Muwaadin hadii aad la kulanto ama ay kusoo gaarto falal amaanka liddi ku ah la soo xiriir xafiiska Gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee 991 ama kusoo hagaaji banadir@police.g.v.so” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Booliska.

Shalay ayey aheyd markii isla Ciidanka Boliiska Saldhigga Hodan ay soo xireen eedeysane lagu magacaabo Yaxye Xasan Maxamed 22 jir ah kaasoo ku eedeysan in uu ku kacay falal anshax-daro ah oo kasoo horjeeda diinteena suuban ee Islaamka iyo dhaqanka wanaagsan ee Soomaaliyeed sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Booliska.

Booliska Muqdisho ayaa maalmahan waday iney xirxiraan dhalinyaro iskugu jira rag iyo Dumar caan ka ah baraha bulshada, kuwaasoo lagu eedeeyey iney baahiyeen muuqaalo ka turjumayey falal ay ka mid yihiin anshax xumo, aflagaado iyo iska horkeen bulsho oo ku saleysan qabyaalad, iyadoo lagu wado in dhowaan la soo taago Maxkamad.

Related posts

(Sawirro) Cumar Filish, Lafta-gareen & Waare oo caawa shir Saddex geesood ah iskugu yimid

Caydiid Ali

Askar badan oo aano qabiil loogu laayay Sh/ Dhaxe iyo Cali Guudlaawe oo amray in lasoo…

Cabdi Cade

Guddoomiyeyaal cusub oo loo magacaabay Maxkamada G/Banaadir iyo tan Racfaanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---