RW ku-xigeenka dalka oo Madaxweyne Bazoum kala hadlay hal arrin oo Muhiim ah

Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka oo Madaxweynaha Niger kala hadlay sidii xoriyadooda loogu soo celin lahaa dhallinyaro Soomaali ah oo ku xeran dalkaasi.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Mudane Salah Jama ayaa intuu ku sugnaa dalka Niger wuxuu kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Niger Mohamed Bazoum isagoo kala hadlay qodobo ay kamid yihiin in labada dal oo kujira duruufo isku dhaw ay u yeeshaan xidhiidh dhaw, kana wada shaqeeyaan horumarka labada dal.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa u gudbiyay Madaxweynaha Niger in la soo daayo 5 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo muddo sannad ku dhaw ku xirnaa dalkaas.

Madaxweyne Bazoum ayaa dhankiisa sheegay in uu u kuur-gali doono xaaladda dhallinyaradaas kadibna wax ka qaban doono si degdeg ah.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa u mahad celiyay Madaxweynaha dalkaas marti gelinta shirka Warshadaynta iyo isu-dheelli tirka dhaqaalaha oo muhiimad gaar ah u lahaa dalalka Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -