Q/Midoobay oo War kulul ka soo saartay weerarkii hotel Villa Reys ka dhacay

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somalia ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii lagu qaaday Hotelka Villa Reys oo ku yaalla xeyndaabka xarunta madaxtooyada Somalia ee magaalada Muqdisho

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay galabta in la soo geba-gebeeyey howlgal ay ciidamada amniga ka wadeen Hotel Villa Rays oo tan iyo xalay ay ku jireen xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay cambaareyneysaa weerarkii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab ay ku qaadeen Hoteelka Villa Rays ee magaalada Muqdisho, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac’ ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay QM.

Waxaa sidoo kale tacsi loogu diray qoraalka qoysaska dadkii waxyeeladu ka soo gaartay weerarkaas.

“Qaramada Midoobay waxay tacsi u direysaa qoysaska dhibanayaasha, waxa ayna u rajeysay caafimaad degdeg ah intii ku dhaawacantay weerarkaas, iyadoo bahdu ay garab taagan tahay dagaalka shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan argagixisada” ayaa lagu soo afjaray qoraalka

Afhayeenka Booliska Sadiiq Doodishe ayaa sheegay iney Lix Qof ay ahaayeen Kooxda Weerarka soo qaaday Shan kamid ahna la dilay halka qofka Lixaadna uu isqarxiyay.

Waxaa uu xusay in mudadii uu weerarku socday ay dableyda ka tirsan Al-shabaab dileen 8 qof oo shacab ah, halka 60 kalena laga soo badbaadiyey hotelka, isagoo xusay inuusan jirin wax dhaawac ah oo ka dhashay weerarkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -