Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo la kulmay Tiina Intelmann si weyna uga mahadceliyay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre oo qaabilay danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Tiina Intelmann ayaa kala hadlay xoojinta taakuleynta ay siiyaan Soomaaliya ee dhinacyada arrimaha bini’aadanimada, horumarinta iyo xasillinta deegaannada la xorreeyay.

Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Midowga Yurub ay ka go’an tahay sii wadida taakuleynta dhinacyada kala duwan ee ay siiyaan dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub doorka ay ka qaataan dowlad dhisidda iyo mashaariicda horumarineed, waxa uuna tilmaamay in deegaannada laga xorreeyey Al shabaab ay maanta u baahan yihiin gurmad degdeg ah iyo in la gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah.

Midowga Yurub ayaa taageero dhinacyo kala duwan leh leh siiya dowladda Soomaaliya , waxa ayna marar kala duwan ballanqaadeen in ay kordhinayaan taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulan uu qabsan lahaa Xisbiga UPD ee uu hogaamiyo Xasan Shiikh oo la joojiyey

Caydiid Ali

Manifesto 2 oo Baaq Muhiim ah u dirtay Dowlada Federaalka iyo Musharaxiinta Mucaaradka

Cabdi Cade

Muxuu Shariif ka yiri Xildhibaanadii lagu dhaariyey Kismaayo?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---