Allbanaadir.com
NEWS

Nin Itoobiyaan ah oo feer ku dilay Aamiin Siciid Sidiiq iyo Booliiska oo qabtay gacan ku dhiiglaha

Ciidanka booliska maamulka Somaliland ayaa xalay gacanta ku soo dhigay nin kasoo jeeda qowmiyada Oromada ee dalka Itoobiya, oo nin dhallinyaro ku dilay gudaha hotelka Guuleed ee magaalada Hargeysa.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay Eedaysane ifsa Axmed Shariif oo kasoo jeeda qoomiyada Oromada uu feer iyo jilib ku dilay Marxuum Aamiin Siciid Sidiiq 22 jir, dilka ayaana ka dhacay gudaha hotelka Guuleed ay ku sugnaayeen.

Ciidanka booliska ayaa markii lagu soo war galiyey dhacdada dilkaasi dilka ah ka hawlgalay, waxayna saacado gudahood ku soo qabteen Eedaysanaha oo goobtii uu dilka ka gaystay ka baxsaday si degdeg ah uga baxsaday.

Ciidanka booliiska Somaliland ayaa ugu baaqaayaa cid kasta oo isku day amni darro in ay gacan bira ku soo qaban donaan iyagoo Ilaahay talo saaranaaya, waxa ayna bulshada ka codsadeen in ciidanka lagala shaqeeyo sugida amniga.

Dilkan xalay ka dhacay magaalada Hargeysa ayaa noqonaya kii labaad oo 24-saac gudajood ka dhaca magaalada, waxaana habeen hore sidaan oo kale dil toorey loo adeegsaday uga dhacay gudaha hotel kale oo kuyaalla magaalada Hargeysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xog:-Villa Soomaaliya oo mar kale soo xuleysa Guddiyada Doorashada iyo Shaki kale oo soo baxay

Cabdi Cade

Biden oo safarkiisii u dambeyay ku tagay dal Afrikaan ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Nin Beeraleey Afrikan ah oo abaal marin qaali ah ka helay shirkadda Facebook

Cabdi Cade
Taboola Ads ---