Dowladaha Yurub ee mamnuucaya isticmaalka Niqaabka oo sii kordhaya

DalkaDenmark waxaa maanta ka dhaqan galay mamnuucitaan lagu soo rogay in bulshada dhexdeeda lagu xirto indho shareer.

Tallaabadaas waxaa meel mariyay baarlamaanka Denmark bishii May ee sannadkan.

Galinka dambe ee maanta ayaa la qorshaynayaa in uu dhaco mudaaharaad lagu diidan yahay arrintaas oo ay ka qayb qaadanayaan dumar Muslimiin ah iyo kuwo aan Muslimiin ahayn, iyaga oo ka dhago adaygaya sharcigan cusub.

Booliiska ayaa awood u leh in ay dumarka niqaabka qaba ka dalbadaan in ay ka tagaan goobaha ay bulshadu wadaagaan.

Saraakiishuna waxay xaq u leeyihiin in ay dul dhigaan ganaax 160 doolaar ah marka koobaad ee dambiga la galo.

Haddii uu ruuxu afar jeer sharcigaas jabiyana waxaa lagu ganaaxi karaa 1500 oo doolar.

Faransiiska iyo dalal kale oo Yurub ku yaalla ayaa horay u qaaday tallaabooyin ka dhan ah in bulshada lagu dhex xirto niqaab ama indha shareer.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -