Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxaya safar kale oo dibeda ah

Sida uu shaaciyey Wasiiru Dowlada Madaxtooyada Somalia Cabduqaadir Macalin Nuur., Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa isku diyaarinaya safar ay ugu ambabaxaan Magaalada Khartoum ee dalka Sudan.

Qaar ka mid ah Warbaahinta Sudan ayaa soo xigatay wasiiru dowlaha oo sheegay in safarka Madaxweyne Farmaajo uu salka ku hayo sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo heshiisyo ay kala saxiixaan doonaan labada dowladood

Farmaajo ayaa la sheegay iney safarka Sudan ku wehlin doonaan Wasiiro ka tirsan Xukuumada Somalia iyo qaar kamida la-taliyeyaashiisa, waxaana safarkan uu noqonayaa kii labaad uu Madaxweyne Farmaajo ku tago Dalka Suudaan.

Madaxweynaha ayaa todobaadkan ka soo laabtay booqasho 3 cisho qaadatay oo uu ku tagay magaalada asmara ee dalka Eritreya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -