Allbanaadir.com
NEWS

Xukuumadda Soomaaliya iyo Galmudug oo kawada hadlay arrimo muhiim ah (Sawirro)

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya,Ahmed Moallim Fiqi oo maanta booqasho ku tagay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug ayaa waxaa halkaas kusoo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug, Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel).

Soo dhaweynta ka dib ayaa waxaa ay labada wasiir ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin dhismaha dowlaha hoose, Dib u heshisiinta, Deegaameynta iyo xasilinta goobaha laga xoreeyay  Al-shabaab iyo xoojinta xiriirka labada Wasaaradood.

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay Wasiirka arrimaha gudaha Galmudug, Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) kaas oo sheegay in ay ku faraxsanyihiin booqashada maanta uu ugu yimid wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Mudane Axmed Moallim Fiqi.

Dhankiisa Wasiir Fiqi oo goobta ka hadlay ayaa ugu mahadceliyay Wasiir Wayeel iyo dhammaan shaqaalaha ka howlgala wasaaradda sida wanagsan ay usoo dhaweeyeen ,sidoo kalena ku dhiirigaliyay in ay labo jibaraan dadaalkooda shaqada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney Basaasad Caan aheyd oo xabsi ay sannado badan ku xirneed laga siidaayay

Cabdi Cade

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo dil iyo dhaawac loogu geestay magaalada Kampala

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Xaflad sagootin ah oo caawa ka socota Magaalada Kismaayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---