Muwaadiniin Soomaaliyeed oo dil iyo dhaawac loogu geestay magaalada Kampala

Magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda waxaa dil iyo dhaawac loogu geestay muwaadiniin Soomaaliyeed oo halkaasi kunoolaa, waxaana hadda socda baaritaano ku aadan sababta keentay in la weeraro muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Kooxo hubeesan ayaa habeen hore saqdii dhaxe galay guri kuyaalla xaafadda Rubaga Division ee ka tirsan magaalada Kampala, waxa ayna halkaasi ku dileen Liibaan Maxamed oo ahaa nin dhallinyaro ah halka mid kalana uu dhaawac soo gaaray.

Afhayeenka booliska dhexe ee Kampala, Patrick Onyango  ayaa xaqiijiyey in 4 dabley oo hubeysnaa ay u dhaceen guri ay 6 qof oo Soomaali ah hurdayeen, waxayna dableyda Madaxa ka toogteen Ganacsade Liibaan oo gurigiisa loogu galay.

Wargeyska maalinlaha ee The Monitor ayaa waxa uu qoray inay dableyda toos u abaareen qolka jiifka, iyagoo iska horimaad gacan-ka-hadal ah la galay Liibaan Maxamed iyo Maxamed Yaasiin oo guriga ku sugnaa.

Booliiska Kampala ayaana sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan dilkan,waxa ayna guriga dilku ka dhacay kasoo heleen qasnado faaruq ah iyo sidoo kale fooqaqa rasaastii lagu dilay muwaadinka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -