Allbanaadir.com
NEWS

Aadan Madoobe oo ku dhawaaqay Shir dib u heshiisiin ah oo loo qabanayo Bulshada Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe ayaa  bulshada iyo siyaasiyiinta ugu baaqay shir dib u heshiisiin ah oo lagu xalinaayo tabashooyinka ka dhex jira bulshada ku dhaqan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qoraal uu soo saaray guddoomiyaha golaha shacabka, ayuu ku sheegay in wadatashi uu la yeeshay Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo xildhibaanada labada Aql ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed usoo baxday in la qabto shir dib u heshiisiin ah.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in ujeedada shirka dib u heshiisiinta in ay tahay in la xaliyo dhammaan tabashooyin walbo oo ka dhax jira bulshada iyo siyaasiyiinta Koonfur Galbeed lana adkeeyo midnimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Ciro & Manuel Marques?

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Scott Morriso oo ku baaqay in wax laga qabto Baraha bulshada

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo qorshe cusub ka bilowday Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---