Mid kamid ah Wadamada Afrika oo joojinaya Cunooyinka dibadda looga keeno

Dowlada Nageria ayaa wada qorshe ay ku joojineyso in dibadda looga keeno cunooyinka dalka laga soo saari karo, waxaana dowlada ay rabtaa in wax soo saarka dalka la xoojiyo si dhaqaalaha wax uga bedesho.

Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa amar ku bixiyay in laga hortago in raashin dalka dibadiisa looga keeno, waxa uuna xusay in uu doonayo in la xoojiyo wax soo saarka beeraha Nageria.

Muhammadu Buhari ayaa amar ku siiyay bangiga dhexe ee Nigeria inuu horjoogsado cid kasta oo dalka soo gelineyso cuntooyinka laga keeno dibadda, waxa uuna ku baaqay in la dhiiro galiyo in dadka kor dhiyaan wax soo saarka beetaha si looga kaaftoomo soo dhoofinta badeecadaha dalalka shisheeye.

Madaxweynaha ayaa faray Bangiga Dhaxe ee dalka Nageria in aysan wax lacag ah siin ganacsatada iyo dadka kale ee doonaya in dalka dibadiisa kasoo dhoofiyaan raashin iyo waxyaabaha kale ee laga soo saari karo dalka Nageria.

Muhammadu Buhari oo  markii labaad loo doortay Madaxweynaha Nageria ayaa balan qaaday in uu xoojinayo dhaqaalaha dalkaasi , waxa uuna hada doonayaa in wax soo saarka la xoojiyo si cunooyinka dibadda looga keeno uga maarmaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -